Sahayda isbaddelka


SAHAYDA ISBADDELKA

Sannadbaa dhamaanaya, qof kastaana wuxuu is-weydiinayaa sidii uu isbaddel ugu samayn lahaa noloshiisa. Sannadka cusub ee curanaya qof kasta waxa lagama maarmaan u ah inuu helo sahaydii uu ku baddeli lahaa noloshiisa. ADIGUNA waxaad ka mid tahay dadka faraha badan ee raadinaya isbaddel nololeed oo toggan. Buuggan SAHAYDA ISBADDELKA ayaa ah midka aad ku bilaabayso sannadka cusub ee dhalanaya. Casharada ku xardhan waxa ka mid ah; 
  • Tabaha lagu kobciyo shakhsiyadaada..
  • Saamaynta caaddooyinku ku leeyihiin noloshaada. 
  • Dhisida yidhiidho micro leh.
  • Qaabka aad uga faa’idaysanayso fursadaha aan xadka lahayn ee dhex daadsan Digital-ka ikk.
Waxa ku dhex-qarsoon casharo kale oo qiimo badan, oo aan u baahnayn in laga sii hordhaco. Noqo qofka ugu horeeya, oo imika sii dalbo!

About Amar MaHAMED

Camaar waa qoraa iyo ganacsade ku xeel-dheer ganacsiyada casriga ah, oo si qoto dheer ugu takhasusay maal-gashiga ganacsiyada adduunka ku cusubiyo dhisida sumcadda shirkadaha iyo suuq geynta ganacsigooda. Sidoo kale wuxuu ka qoray buugga „Aqoon iyo dhaqaale“. Dhinaca kale waa mid ka mid ah aasaasayasha Maal Visionary iyo daadihiyaha Amarpodcast. Camaar waa dhiirigaliye iyo tababare wuxuu barihiisa bulshada kusoo gudbiyaa oo uu bulshada la wadaagaa fikrado ku saabsan hal-abuurnimada, fursadaha iyo isbeddelada mustaqbalka ee ganacsiga iyo horumarka shaqsiyeed.